Sunday, June 19, 2022

What is going on Somalia

 The question is what is going o  Somalia?

You can reply this question

Your respond is considered 


Wednesday, May 8, 2019

Xog ku saabsan Tariikhdii Gumeysiga Talyaaniga oo uu soo bandhigay qoraa sare Yahye Amir

Xog ku saabsan Tariikhdii Gumeysiga Talyaaniga ayaa waxa soo bandhigay qoraa sare Yahye Amir.
koox ajnabi gumeeysi  ah ee lala dagaalamo  tii ugu horeeysay , fiiri marqaati L’Italia Nel Banadir bogga 226aad oo leh “Bishii Juun 1891-kii, oo ay ku qoran tahay. Beesha cabdalla caroone oo ka tirsan Abgaal ayaa soo weerartay magaalada  cadale, si ay u ridaan calanka  Talyaaniga oo shirkadda Filonardi ay ka taagtay cadale. Dowlada aya hashiis lagashay  besha cabdale caroone ,shiqi hogaminayey  #Sh_axmed_wacdiyow   abuukate gabyoow awowgiis,hashiis aya qorayey  1 in beesha cabdale caroone lasiiyo megta 89 nin  oo dagaalka uga dhimatay 2 inan calanka talyaniga lasuri karin cadaleey 3 in degmo loo aqoonsado cadale, inla hubeeyo beesha cabdale caroone,si dagaal uga hortagaan.maleshiyaadki ingiriisku kasoo abaabulay deganada buntland,oo sh daauud culusoow cabasho usoo gudbiyey sh axmed wacdiyoow

 Wasaaradda arimaha dibadda ee Talyaaniga waxey ka cabatay weerarkaa lagu qaaday ciidan uu hor socday Caqiid Saalim iyo 50-askari oo ajnabi ah, 45-ka mid ah ajnabigii ayaa goobta lagu dilay, dhaawaciina waa la dhameystiray sida ku qoran dokumentiga turjubaankii Filonardi Abuubakar Bin Aohod oo hadda aad ka heli karto wasaarada arrimaha dibada ee talyaaniga iyo buuga L’Italia Nel Banadir. Xamar iyo hareerihiisa mar kasta waa la qixi jiray.

( qax xamar u soo qax ka sii qax. hanoo dambeeyee,taariikh kasta ee gumeesi lagula dagaalamay meeshii ay doonto somaliya haka dhacdee ,waxaa ku faani kara qof kasta oo Somali ah.haddaba aqristoow maxaa taariikhdan gumeeysi la dirirka ee ex-banaadir naloogu bari waayay isgoola

 Qore:Yahye Amir

Sunday, December 30, 2018

Shir looga hadlayo kaalinta Dhalinyarada ee nabada iyo is-dhexgalka oo maalintii 2aad ka socanayo xarunta G.Banaadir

Shir looga hadlayo kaalinta Dhalinyarada ee nabada iyo is-dhexgalka ayaa maalintii 2aad ka socanayo xarunta G.Banaadir ee dowlada hoose.
Waxa shirkaan ka soo qeyb galay Dhalinyarada gobol ka banaadir iyo ururada madaxdaada banaan iyo qaar kami ah Ardayda jaamacadaha.
Shirka an ayaa diraada lagu saarayaa sidii xal loogu heli lahaa arimaha la xiriira Horumarinta caasimada, Amniga, ka hortaga tahriibka iyo ka hortaga xagjirnimada.
Waxaana la filayaa in dhalinyaradu ka soonsaaraan qodobo wax ku ool

Saturday, December 15, 2018

Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Baaq dirtay ciidamada qaranka DFS

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa Baaq u dirtay ciidanka xooga qaranka ee DFS
Baaqaan ayey ku sheegen in ay u shaqeeyaan qarankooda oo ay ka qabtaan cid ale iyo cidii caqabad ku ah dib u kabashada hanaanka dowladnimo oo ay meel iska dhigaan qof iyo qabiil jecleysi ayna ku qabtaan gacan bir ah ilaalinta qaranka.
Qabiil waxa ku weynay cisigi iyo sharaftii aan ku laheyn qaarada Afrika iyo Caalamka oo dhan iyo magacii Libaaxyada Afrika cid kalena make Emin mana burburin ee waa idinka hadaan nahay Dhalinyaro waxa idinkaga fadhina in aad dib u soo celisaan magacii Libaaxyada Afrika sida hadda ku dhaqmeysaan ma ahan ee shacabka oo dhan garabkiina ayeey taaganyihiin lasoo baxa awodiina ee badbaadiya qarankeena isagaa nadeeqo qabyaalad nama quseeso hadaa nahay Dhalinyaro iyo ciidanba.
Dhanka kale siyaasiinta calooshood u shaqeysatayaasha ah cavan bir ah ku qabta qofkii soo fab raacana ku dara

Thursday, December 13, 2018

Dowlada Federalka Soomaaliya oo war rasmi ah kasoo saartay xariga Roobow (Aqriso war-saxaafadeedka)

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ahaa musharax u taagnaa xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Roobow la xiray kadib markii uu jebiyey laba qodob oo horey lagula heshiiyey, kuwaas oo kala ahaa:-

  • In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed.
  • In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah.
Wasaaradda ayaa tiri “Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow.”

Half of the world’s population towards danger


Half of the world’s population or approximately 3 billion people are under the age of 25, of which 87% live in developing countries. They comprise a high proportion (60%) of the global unemployed population. While youth are often considered a cause and concern for social or political unrest, they have demonstrated both their ability and potential to help solve the problems that surround the planet’s present and future. Youth can also bring fresh ideas and be proactive in identifying solutions to development challenges at the local level. They have shown their ability to build bridges of dialogue across cultures. Youth can thus be powerful advocates for UNDP’s efforts approach to seek innovative solutions to complex development challenges and in doing so, help promoting the concept of sustainable human development. UNDP, along with other development partners, government and policy makers, will strengthen its engagement with and for youth as important actors in sustainable human development. We will also support youth development as a laudible end in itself. UNDP has extensively and substantively engaged with youth1 and youth initiatives for years; some of these activities were undertaken in collaboration with other UN agencies and external partners. In 2012, UNDP embarked simultaneously on the facilitation of consultations on the post-2015 development framework, on the preparation of its new Strategic Plan for 2014-2017 (approved by the Executive Board on 13  September  2013), and on the development of its first organization-wide youth strategy. This Youth Strategy is the result of extensive consultations, including UNDP-led e-discussions2 involving UNDP teams at UNDP Headquarters, Regional Services Centres, and Country Offices; consultations with members of the UN Inter-Agency Network on Youth Development (IANYD) as well as discussions with young people, youth experts and youth organizations.
this shows us there is no one looking for their needs.

Friday, July 8, 2016

Xulka Faransiiska oo u soo baxay Finalka Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016


\Xulka Faransiiska ayaa u soo baxay Finalka Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2016, kadib markii ciyaartii Sema Finalka 2-0 uga badiyeen xulka Jarmalka oo aad loogu saadaalinayay inuu ku guuleysanayo koobkan.
Jarmalka ayaa markii labaad oo isku xigta ku haray Sema Finalka Koobka Qaramada Yurub, iyadoo afar sano ka hor 2012 sidan oo kale looga reebay.
Xulka Jarmalka ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan oo isku dhiibkeeda wanaagsanaa, balse dhibka ugu weyn ayaa waxaa uu ka heystay xaga gool dhalinta, maadaama weeraryahan gool dhaliye buuxa aanay laheyn.
Faransiiska ayaa ciyaarayay ciyaar qaab difaac iyo weerar ahaa, iyadoo dhowr jeer fursado weerar rogaal celis helay, balse uma suura gelin.
Dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta ayaa Faransiiska waxay heleen gool, kaasoo ahaa rigoore uu dhaliyay Greizmann, waxaana uu ahaa qalad uu galay Schweniestiger, markii kubad koorna la soo qaaday uu gacan ku taabtay.
Qeybta hore ayaa ku dhamaatay 1-0 oo ay ku hogaaminayeen Faransiiska, balse qeybta labaad markii la isku soo laabtay ayaa labada kooxood waxay bilaabeen dar dartooda.
Jarmalka ayaa mar walba isku dayay inay dhaliyaan goolkii bar baraha, laakiin wax walba waxay is bedeleen markii gool labaad uu dhaliyay ciyaaryahan Griezmann, markii uu ka faa’ideystay goolhaye Neuer oo kubada soo bixiyay, isla markaana kubadi oo cidle ugu timid uu shabaqa ku hubsaday, iyadoo goolka uu ka soo durugsanaa goolhayaha Jarmalka.
Faransiiska ayaa ahaa kuwo difaacadooda aad u adkaa, marka la bar bar dhigo kulamadii hore oo difaacooda la dhaliilayay, waxaase muuqatay in guushooda caawa ka gaareen Jarmalka inay carada u hiilisay, isla markaana fursadihii ay heleen ka faa’ideysteen.
Si kastaba ha ahaatee Faransiiska ayaa Finalka waxay ku aadeen xulka Portugal oo xalay 2-0 uga badiyay xulka Wales, waxaana ciyaarta Finalka ay Axada soo socota oo taariikhda tahay 10-July ka dhaceysa garoonka Paris.


fransafransa1fransa2fransa3fransa4fransa5