Friday, July 8, 2016

Xulka Faransiiska oo u soo baxay Finalka Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016


\Xulka Faransiiska ayaa u soo baxay Finalka Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2016, kadib markii ciyaartii Sema Finalka 2-0 uga badiyeen xulka Jarmalka oo aad loogu saadaalinayay inuu ku guuleysanayo koobkan.
Jarmalka ayaa markii labaad oo isku xigta ku haray Sema Finalka Koobka Qaramada Yurub, iyadoo afar sano ka hor 2012 sidan oo kale looga reebay.
Xulka Jarmalka ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan oo isku dhiibkeeda wanaagsanaa, balse dhibka ugu weyn ayaa waxaa uu ka heystay xaga gool dhalinta, maadaama weeraryahan gool dhaliye buuxa aanay laheyn.
Faransiiska ayaa ciyaarayay ciyaar qaab difaac iyo weerar ahaa, iyadoo dhowr jeer fursado weerar rogaal celis helay, balse uma suura gelin.
Dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta ayaa Faransiiska waxay heleen gool, kaasoo ahaa rigoore uu dhaliyay Greizmann, waxaana uu ahaa qalad uu galay Schweniestiger, markii kubad koorna la soo qaaday uu gacan ku taabtay.
Qeybta hore ayaa ku dhamaatay 1-0 oo ay ku hogaaminayeen Faransiiska, balse qeybta labaad markii la isku soo laabtay ayaa labada kooxood waxay bilaabeen dar dartooda.
Jarmalka ayaa mar walba isku dayay inay dhaliyaan goolkii bar baraha, laakiin wax walba waxay is bedeleen markii gool labaad uu dhaliyay ciyaaryahan Griezmann, markii uu ka faa’ideystay goolhaye Neuer oo kubada soo bixiyay, isla markaana kubadi oo cidle ugu timid uu shabaqa ku hubsaday, iyadoo goolka uu ka soo durugsanaa goolhayaha Jarmalka.
Faransiiska ayaa ahaa kuwo difaacadooda aad u adkaa, marka la bar bar dhigo kulamadii hore oo difaacooda la dhaliilayay, waxaase muuqatay in guushooda caawa ka gaareen Jarmalka inay carada u hiilisay, isla markaana fursadihii ay heleen ka faa’ideysteen.
Si kastaba ha ahaatee Faransiiska ayaa Finalka waxay ku aadeen xulka Portugal oo xalay 2-0 uga badiyay xulka Wales, waxaana ciyaarta Finalka ay Axada soo socota oo taariikhda tahay 10-July ka dhaceysa garoonka Paris.


fransafransa1fransa2fransa3fransa4fransa5

No comments:

Post a Comment