Friday, July 1, 2016

Mareykanka oo baaraya shil ka dhashay gaari iswada

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa baadhaya dhimashadii ugu horreysay ee ay suuragal tahay inuu keenay shil ka dhashay tiknoolojiyadda cusub ee baabuurta iswadda.

Darawalka gaadhi is wada oo nooca Tesla ah ayaa ku dhintay shil ka dhacay gobolka Florida ee waddanka Mareykanka bishii May kaddib markii ay isku dhaceen baabuur nooca xamuulka qaada ah.
Waxa aad loo baadhaayaa tiknloolojiyadda Tesla ee baabuurtu isku wadaan oo suurto galisa in baabuurku haadadka kala badalo iyo inuu u hogaansamo sharciga gaadiidka ee wadooyinka isaga oo aan waduhu hawl galinayn.
Bayaan ay soo saartay shirkadda Tesla ayaa lagu sheegay in baabuurka oo noociisu yahay S uu kombuyuutarku aqoonsan waayay midabka cad ee baabuurka xamuulka ah oo uu cawaray kamaradaha gaadhiga yar, taasina ay keentay inuu ka baxo haadkiisii.
Shirkaddu waxay intaa ku dartay in shilkaa uu ahaa khasaare weyn.
Shirla ayaa waxa uu sababay geerida darawalkii gaariga Tesla-ha, Joshua Brown, oo 40 jir ahaa, hasayeeshee darawalkii gaariga xamuulka aanay waxba gaarin.

1da Luuliyo oo xalay laga xusay Soomaaliya

Munaasibadda waxaa Qudbado ku saabsan taariikhda iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray Xorriyadda Soomaaliya waxaa ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Ku Xigeenka Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Warfaafinta iyo Duqa Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed inay gacmaha isqabsadaan, islamarkaana aysan hilmaamin dhibkii loo soo maray xornimada Soomaaliya.

Tartan Aqooneedka Bisha barakeysan ee Ramadaan oo ka socda radio Maanta iyo Dugsiga Al-Araaj oo Suaalaha diyariya

Tartan aqooneeka bisha barakeysan ee ramadan oo Soo gudbineyso idaacada Radio Maanta, suaalahana uu diyaarinayo iskuulka Al-Afraaj ayaa si habsami leh uga soconaya xarunta Radio Maanta, tartankaan ayaa maanta waxaa soo gabagaboobaya wareegiisii labaad oo ay ku tartamayeen 32 dugsi oo ka hawl gala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
hadaba ma ahan markii ugu horeysay idaacada maanta baahiso tartan ceenkan oo kale ah, hase Dugsiga Al-Afraaj ayaa markiisii ugu horeysay diyaarinaya suaalaha ay ku baratamayaan dugsiyada magaalada muqdisho tan iyo markii la aasaasay dugsiga Al-Afraaj sanadii 2012ka.