Magaalada Muqdisho ayaa xalay looga dabaal dagay xuska Sanadguurada 56-aad ee ka soo wareegay markii gobolada Koonfur 01 July 1960-Kii, ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, Islamarkaana ku asteysan Israacii Labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfu.Munaasibadda oo ka dhacday Aqalka dowladda Hoose ee Xamar, ayaa waxaa ka qeyb galay, Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, xubno ka tirsan Labada Gole ee dowladda, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, Gudoomiyeyaasha degmooyinkaiyo ururada Bulshada.
Munaasibadda waxaa Qudbado ku saabsan taariikhda iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray Xorriyadda Soomaaliya waxaa ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Ku Xigeenka Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Warfaafinta iyo Duqa Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed inay gacmaha isqabsadaan, islamarkaana aysan hilmaamin dhibkii loo soo maray xornimada Soomaaliya.
No comments:
Post a Comment