Xog ku saabsan Tariikhdii Gumeysiga Talyaaniga ayaa waxa soo bandhigay qoraa sare Yahye Amir.
koox ajnabi gumeeysi ah ee lala dagaalamo tii ugu horeeysay , fiiri marqaati L’Italia Nel Banadir bogga 226aad oo leh “Bishii Juun 1891-kii, oo ay ku qoran tahay. Beesha cabdalla caroone oo ka tirsan Abgaal ayaa soo weerartay magaalada cadale, si ay u ridaan calanka Talyaaniga oo shirkadda Filonardi ay ka taagtay cadale. Dowlada aya hashiis lagashay besha cabdale caroone ,shiqi hogaminayey #Sh_axmed_wacdiyow abuukate gabyoow awowgiis,hashiis aya qorayey 1 in beesha cabdale caroone lasiiyo megta 89 nin oo dagaalka uga dhimatay 2 inan calanka talyaniga lasuri karin cadaleey 3 in degmo loo aqoonsado cadale, inla hubeeyo beesha cabdale caroone,si dagaal uga hortagaan.maleshiyaadki ingiriisku kasoo abaabulay deganada buntland,oo sh daauud culusoow cabasho usoo gudbiyey sh axmed wacdiyoow
Wasaaradda arimaha dibadda ee Talyaaniga waxey ka cabatay weerarkaa lagu qaaday ciidan uu hor socday Caqiid Saalim iyo 50-askari oo ajnabi ah, 45-ka mid ah ajnabigii ayaa goobta lagu dilay, dhaawaciina waa la dhameystiray sida ku qoran dokumentiga turjubaankii Filonardi Abuubakar Bin Aohod oo hadda aad ka heli karto wasaarada arrimaha dibada ee talyaaniga iyo buuga L’Italia Nel Banadir. Xamar iyo hareerihiisa mar kasta waa la qixi jiray.
( qax xamar u soo qax ka sii qax. hanoo dambeeyee,taariikh kasta ee gumeesi lagula dagaalamay meeshii ay doonto somaliya haka dhacdee ,waxaa ku faani kara qof kasta oo Somali ah.haddaba aqristoow maxaa taariikhdan gumeeysi la dirirka ee ex-banaadir naloogu bari waayay isgoola
Qore:Yahye Amir
\Xulka Faransiiska ayaa u soo baxay Finalka Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2016, kadib markii ciyaartii Sema Finalka 2-0 uga badiyeen xulka Jarmalka oo aad loogu saadaalinayay inuu ku guuleysanayo koobkan.
Jarmalka ayaa markii labaad oo isku xigta ku haray Sema Finalka Koobka Qaramada Yurub, iyadoo afar sano ka hor 2012 sidan oo kale looga reebay.
Xulka Jarmalka ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan oo isku dhiibkeeda wanaagsanaa, balse dhibka ugu weyn ayaa waxaa uu ka heystay xaga gool dhalinta, maadaama weeraryahan gool dhaliye buuxa aanay laheyn.
Faransiiska ayaa ciyaarayay ciyaar qaab difaac iyo weerar ahaa, iyadoo dhowr jeer fursado weerar rogaal celis helay, balse uma suura gelin.
Dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta ayaa Faransiiska waxay heleen gool, kaasoo ahaa rigoore uu dhaliyay Greizmann, waxaana uu ahaa qalad uu galay Schweniestiger, markii kubad koorna la soo qaaday uu gacan ku taabtay.
Qeybta hore ayaa ku dhamaatay 1-0 oo ay ku hogaaminayeen Faransiiska, balse qeybta labaad markii la isku soo laabtay ayaa labada kooxood waxay bilaabeen dar dartooda.
Jarmalka ayaa mar walba isku dayay inay dhaliyaan goolkii bar baraha, laakiin wax walba waxay is bedeleen markii gool labaad uu dhaliyay ciyaaryahan Griezmann, markii uu ka faa’ideystay goolhaye Neuer oo kubada soo bixiyay, isla markaana kubadi oo cidle ugu timid uu shabaqa ku hubsaday, iyadoo goolka uu ka soo durugsanaa goolhayaha Jarmalka.
Faransiiska ayaa ahaa kuwo difaacadooda aad u adkaa, marka la bar bar dhigo kulamadii hore oo difaacooda la dhaliilayay, waxaase muuqatay in guushooda caawa ka gaareen Jarmalka inay carada u hiilisay, isla markaana fursadihii ay heleen ka faa’ideysteen.
Si kastaba ha ahaatee Faransiiska ayaa Finalka waxay ku aadeen xulka Portugal oo xalay 2-0 uga badiyay xulka Wales, waxaana ciyaarta Finalka ay Axada soo socota oo taariikhda tahay 10-July ka dhaceysa garoonka Paris.






